Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Dhagayso:- Gudoomiyaha Barlamaanka Jubbaland ” Xamar intaan kusugnaa Wayaabo Badan ayaa nagu qabsoomay”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed oo Mudooyinkii Danbe ku maqnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, oo dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ayaa faahfaahin ka bixiyay Safarkiisii.

Sheekh Cabdi Maxamed ayaa sheegay in 7 bishaan uu ka qayb galay Shir ka dhacay Eraboorka Magaalada Muqdisho, Shirkaas oo ay Hay’adda Mashaariicda Hormarinta Qaramada Midoobe (UNDB) ku casuuntay Gudoomiyayaasha Baarlamanada Jubbaland Galmudug iyo Wakiil ka socday Koonfur galbee oo aan markaas Baarlaman lahayn.

Gudoomiyaha Baarlamanka Jubbaland ayaa xusay in Shirka looga hadlayay Sanadka cusub ee soosocda 2016 baahiyaha ay qabaan Sadexdaan Maamul inay soo gudbisadaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Hay’adda Mashaariicda Hormarinta Qaramada Midoobe (UNDB) ay sheegtay inay wax siiso Baarlamaanada Fedaraalka Puntland iyo Soomaaliland.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay Hay’adda Mashaariicda Hormarinta Qaramada Midoobe (UNDB) Sandka 2015 ka aysan wax Bajad ah ugu talagalin Jubbaland Galmudug iyo Koonfurgalbeed balse Sanadka 2016 ay qorshaha ku jiraan Baahidoodana soo gudbistaan.

Ugu Danbayn Gudoomiyaha ayaa Sheegay in Hay’adda Mashaariicda Hormarinta Qaramada Midoobe (UNDB) ay ka Jubbaland ahaan u gudbisadeen wixii baahidooda ahayd oo ay wax ka qaban karto.

Related posts

Agaasimihii Cisbitaalka Soomali Jarmal ee Muqdisho Dr.Ibrahim Cali oo ku Geeriyooday Weerarkii lagu…..

Tifaftiraha K24

Dowlada Puntland Oo Kaluumaystada Shatiyo u Samaynasa– Sawirro

Tifaftiraha K24

Wararkii ugu danbeeyay Xiisad dagaal oo ka taagan degaanka Tukaraq.

Ahmed sudani