Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Degdeg:Hawlgalo lagu baadi goobaayo Cidii ka danbeysay Dhaawaca Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Baardheere oo ka socoto Gudaha Iyo Daafaha Degmadaasi.

Hawlgalo lagu xaqiijinaayo Amniga deegaanada hoosyimaada Degmada baardheere Iyo Gudaha degmaadaasi Ayaa Maanta ay ciidama Amniga kawadaan Degmada baardheere ee Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaayo baardheere Ayaa sheegaya in laamaha Amaanka ee degmadaasi ay hawlgalo kawadaan Degmada baardheere Iyo deegaanada ku xeeran.

Hawlgaladani Ayaa looga goleeyahay xaqiijinta Amniga degmadaasi Iyo deegaanada ku xeeran, xilli xalay dableey ka tirsan alshabaab ay Gudaha degmadaasi ku dhaawaceen gudoomiyihii Maxkamadda Degmada baardheere Sheekh. Ibrahim Daahir Shacbaan.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha Amaanka ee baardheere Ayaa sheegay in ay ku raadjogoaan Cidii dhaawaca u geysatay Gudoomiyaha Degmada baardheere ee Gobolka Gedo Sheekh Ibrahim Shacbaan.

Sikastaba wax jira qorshe Guud oo la doonaayo in alshabaab looga sifeeyo deegaanada ay kaga suganyihiin gobolweynaha Gedo, xilli Maamulka heer Gobol Iyo mid degmo ee Gobolkaasi, ay wacad ku mareen in Shabaab si degdeg ah looga xoreyn doono Degmooyinka Iyo deegaanada goolkaasi Gedo.

Related posts

Wasiirka Amniga Kenya Joseph Nkaissery iyo Gudomiye Nadiif Jaamac oo ay ka dhex tagan tahay

admin

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Doorka Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Siyaasadda

admin

Taliska Ciidanka Xoogga Oo Ay Sheegay Inay Fashiliyeen Miinooyin La Aasay

admin