Somali News

DEGDEG: Xildhibaano Mooshin Ka keenay Maqaanka Muqdisho oo U Gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka.  

126 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay  Mooshin looga doodayo Maqaamka Gobolka Banaadir si ay matalaad dhab ah u yeelato loogana gudbo Magacaabis.

Qoraal ay ku saxiixan yihiin Xildhibaanadan uu hogaaminayo Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa loo gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana qoraalka la waafajiyay Dastuurka KMG  ah, waxaana uu ku taariikheysnaa 23-kii Bishan December 2019.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in la helo Maqaanka Caasimadda dalka ay tahay Arrin dastuuri ah, isla markaana loo baahan yahay, waxaana Qoraalka la ogeysiiyay Xogyaha Golaga Shacabka C/kariin Buux.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Xildhibaanada.

Related posts

Madaxweynaha dowladgoboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kormeeray qeybta 21-aad ee ciidamada XDS.

admin

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Askartii Pakistan ee Muqdisho lagu dilay 1993

admin

Saameynta Afganbigi Turkiga Ku Yeeshay Ardayda Soomaalida

admin