Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

DegDeg: Xildhibaanada Maamulka Puntland oo u codeeyay in

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta u codeeyay in siguud loo ansixiyo golaha wasiirada cusub ee madaxweyne Denni uu soo magacaabi doono.

24 xildhibaan ayaa waxa ay soo jeed jeediyeen in mid mid loo ansixiyo wasiirada halka 3 xildhibaana ay ka aamustay, waxaana dood dheer kadib lagu dhawaaqay in siguud  loo ansixin doono gollaha wasiirada Puntland.

Dhanka kale ilaa galabta ayaa la filayaa in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni uu soo saaro liiska gollihiisa wasiirada, kuwaas oo ka koobnaan doona ilaa 16 wasiir.

Wasaaradaha Puntland qaarkood ayaa la hoos gayn doona wasaaradaha ay isku shaqada yihiin, waxaana magaalada Garowe ka socda kulamo iyo shirar ku aadan wasiirada halka xubno badan oo aanan la aqoon wajiyadooda ay kasoo dhex muuqan doonaan wasiirada cusub.

 

Related posts

Haweeney Shacab ah oo dil ka geesatay Saldhig booliis oo kuyaala Muqdisho.

admin

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo Xasan Shiikh uu ka sheegay Shir Madaxeedka IGAD ee ka dhacay Magaalada Addis Ababa

Tifaftiraha K24

XOG CUSUB oo laga helay Xariga Majaajileyste Ajakis & Warar sheegaya..

admin