Arimaha Bulshada Breaking News Somali News Top News

Degdeg: Wasiirka Amniga Gudaha Kenya Joseph Nkasierry oo Geeriyooday.

Sida ay goordhow baahiyeen warbaahinta dalka Kenya, wasiirkii amniga dalkaas Joseph Nkaissery, ayaa xalay Geeriyooday.

Wasiirka oo shalay ka qeyb galay isku soo bax ka dhacay fagaaraha Uhuro Park, ayaa xalay ku geeriyooday Karen Hospital,kadib markii uu isku sameeyay Baaritaan guud (Check-up).

Ilo ku dhow dhow wasiirka Geeriyooday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Mr Nkaissery uu xalay abaaro 3pm aaday Isbitaalka Karen si uu isugu soo sameeyo baaritaan guud.

“Xaqiiqdii wuxuu u muuqday mid aad u caafimaad qaba, laakiin wuxuu ii sheegay inuu aadayo Isbitaalka si uu baaritaan guud isugu soo sameeyo” sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadka sida aadka ah ugu dhawaa wasiirka.

Meydka wasiirka ayaa waxaa hada la geeyay “Lee Funeral Home” halkaasoo lagu wado in lagu sameeyo baaritaano caafimaad, si loo ogaado waxa sababay Geeridiisa.

Madaxweyne Uhuro Kenyatta ayaa Nkaissery u magacaabay wasiirka amniga Kenya taariikhdu markeey ahayd 2, 2014, waxaana uu badalay Joseph Ole Lenku.

Related posts

Daawo: Soomalia oo mudo 25 sano ah kadib dib ula soo wareegtay adeeg ay in badan ku hami jireen…..

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Gurmadkii ugu Xoogana oo oo ka socda Deegaano ka tirsan G.Sanaag iyo Puntland oo ku….

Tifaftiraha K24

WAR CUSUB: Soomaaliya oo Kaalin Muhiim ah ka gashay Wadamada ugu Farxada Badan Qaarada Africa

admin