Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

DegDeg: Wasiir Labaad Oo Ka Tirsan Golaha Wasiirada Cusub Ee M/weyne Waare Oo Is Casilay & Kuwo Kale Oo Ku Dhawaaqaya goordhaw.

Wasiirkii labaad oo ka tirsan Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Hirshabelle, ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, xilli Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle uu Arbacadii soo magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub.

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa magacaabay 57 xubnood oo ka kooban Golihiisa Wasiirada. Wasaaradaha uu soo dhisay Madaxweyne Waare waxaan ku jirin Wasaaradda Haweenka.

Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec, Wasiiru Dowlihii Amniga & Dhaqancelinta Hirshabelle, ayaa xalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka uu u magacaabay Madaxweyne Waare.

Wasiiru Dowlaha, ayaa tallaabada uu isu casilay waxaa uu ku macneeyay isagoo aan doonayn xilka loo magacaabay.

Isla Arbacadii, ayaa waxaa is casilay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Hirshabelle, Ismaaciil Maxamed Culusow, ka dib markii uu sheegay inaanan lagala tashan xilkaasi.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xildhibaanada Hirshabelle iyo Odayaasha Dhaqanka qaarkood, ay Golaha Wasiirada cusub ku cadaadinayan in ay is casilaan, si Madaxweyne Waare uu wax ka bedel ugu sameeyo Golihiisa Wasiirada.

Related posts

Xog Cusub:Uhuru iyo Farmaajo waxay ku kala tageen Axmed Madoobe

Mohamed Abdirashid Abaajo

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Oo Lacag Hada Ka Helay Imaaraadka “Meeq” AKHRI.

admin

Dowladda kenya oo sheegatay in 31 ka tirsan xoogaga alshabaab ay ku dishay dagmada……

Tifaftiraha K24