Somali News

DEGDEG: Qarax ka dhacay goordhaweyd duleedka Magaalada Muqdisho.

Qarax xooggan oo dhaliyey khasaare nafeed ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa dadka deegaanka Ceelasha Biyaha waxa ay sheegeen in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaalo u ahaa saraakiisha Turkiga ee ku howlan dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, mid kalena uu ku dhaawacmay ,kaas oo loo soo qaadey magaalada Muqdisho.

Qaraxa markii uu dhacay ayaa waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay fureen rasaas badan, taas oo aan la sheegin inay geysatay wax khasaaro ah oo kasoo gaarey dadka shacbaka ah.

Related posts

Wax Ka Baro Taariikh-nololeedka Haweenayda Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabey Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka.

admin

War Hada: Maxay Tahay Sababta loo Hakiyay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Jubbaland??? War Muhiim ah ayaan idin kaga heynaa

Tifaftiraha K24

Maxaadan ogeeyn Galmudug oo markii ugu horeysay xariga kajartay isgaarsiinta ciidanka booliska Galmudug

admin