Somali News

DEGDEG: Qarax goordhaweyd ka dhacay Magaalada.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay waddada Makka Al- Makarrama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nuuca raaxada ah oo yiillay inta u dhexeysa isgoyska Shaqaalaha iyo Xaaji Baasto ee degmada Hodan.

Khasaare u badan mid hantiyadeed ayaa jira, waxaana la sheegay in qaraxa uu saameeyay labo gaari oo kale,  sida ay soo warinayaan Wariyeyaal ka tirsan Shabelle.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Related posts

Muqdisho oo maalmahan hoy u noqotey dilaalka (Akhriso dilaalkii shalay, xalay ilaa maanta Magaladda ka dhacay).

admin

TOP NEWS: Xukuumada Soomaliya iyo Maamul goboledyada oo iska kaashanaya Arin shacabka ay Mudo Sugayeen

admin

Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Eldoret ee dalka Kenya (SAWIRRO)

Tifaftiraha K24