Somali News

DEGDEG: Israsaaseyn dhexmartay ilaalada Wasiir Sabriye iyo Ciidamo hoostaga Kooxda Ahlu Quraafa(Sunna).

Wararka naga soo gaaraya degmada matabaan ayaa sheegaya in Kolonyo gaadiid oo uu la socday Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi M. Sabriye lagu rasaaseeyey degmada Matabaan gobolka Hiiraan.
Waxaana halkaas ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidankii galbinayey Wafdiga iyo ciidanka Ahlu Sunna.

Ciidanka Dowladda ayaa si buuxda ula wareegay magaalada, waxaana wafdiga Wasiirku ku sugan yihiin gudaha magaalada.

Wafdiga wasiirka ayaa ku wajahnaa isla magaalada matabaan balse ahlusuna oo ka biyo diidsan qaabka ay umaamulayso dowlada federaalku doorashada galmudug ayaa ciidankeedu diideen inuu magaalada ugudbo wafdiga wasiir sabriye balse dagaal kooban oo halkaas ka dhacay ciidankii galbinayay wafdiga wasiirka ayaa lawareegay gacan ku haynta matabaan.

Wafdiga wasiirka ayaa intii aysan soo gaarin matabaan waxaa ay kulan kula yeesheen deegaanka ceeldheere odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sawirada waa intii wafdigu deegaanka ceeldheere kusugnaayeen.

Related posts

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo ay Muqdisho u yimaadeen Saraakiil ka socota Booliska Magaalada Minnesota ee Dalka Mareykanka+ Sawirro

Tifaftiraha K24

SAWIRO: Madaxweyne Trump oo xaqiijiyay dilka Abu Bakar al-Baghdadi Waxa uu u dhintay sidii eygi oo god ayuu galay.

admin

TOP NEWS: Baarlamaanka galmudug oo kulan deg deg ah ka yeeshay doorashada madaxweynaha maamulkaasi maxaase ka soo baxay??

Tifaftiraha K24