Somali News

DEGDEG: Ilaalada Gudoomiyaha Barlamaanka Maamulka Puntland iyo Dad careysan oo gacanta iskula tagey iyo dhimasho iyo dhaawac kadhashay.

Iska Horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag, ka dib markii ay dadka deegaanka Mudaharaad kala hor yimaadeen Wafdi uu hogaaminayay Afhayeenka baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ay dhaawacmeen 3 qof oo ay kujiraan qaar kamid ah Ilaalada Afhayeenka baarlamaanka, dadka deegaankana ayaa diiday soo dhaweyntiisa.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa la sheegay in ay ciidamadiisu rasaas kurideen dad shacab ah oo banaanbax sameynayay, waxaana dadka dhaawacmay kujira Caruur.

Taliye kuxigeenka 2aad ee ciidamada Booliska Puntland ayaa kudhaawacmay dagaalkan, iyado ay jiraan warar soo baxaya.

Related posts

XOG: Wasiir Odowaa oo si Cad uga horyimid Qorsho ay in Mudo ah u Ol’oleynayeen Xubno kamid ah Damul-jadiid

Tifaftiraha K24

Sawirro: Maxaa ka soo baxay kulan muqdisho ku dhexmaray wasiir xoosh iyo wafdi ka socda midowga….

Tifaftiraha K24

Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweyne Gaas iyo Xildhibaanada Puntland

admin