Somali News

DEGDEG: Gudoonka Barlamaanka Maamulka Galmudug oo uu ku guuleystay Musharax.

Waxaa goordhaw soo dhamaatay tirinta codadka Doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmuug, waxaana doorashada ku tartamayay labada Musharax ee kala ah Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan .

Doorashada oo aheyd mid xamaasad gaar ah laheyd ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay Musharax Dr Maxamed Nuur Gacal oo helay codad gaaraya 54 halka musharax Cabdinaasir Aadan Cusmaan isna helay codad gaaraya 34-cod.

Waxaa goordhaw la filayaa in sidoo kale hoolka ka bilaabato Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka iyana ku tartamayaan labo Musharax oo saameyn badan ku dhax leh baarlamaanka Galmudug.

Related posts

DegDeg: Madaxweyne Caan ah oo ka bad baaday Xilka qaadis.

gurey

Sawirka Maanta Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Galmudug Oo Wax Sajuud U Eg U Sameeyay Safiirka Ingiriiska.

admin

Qarax Kadhacay goordhaweyd Magaalada.

admin