Somali News Top News Xulashada K24

DegDeg:- Askari iyo Labo qof oo lagu toogtay Muqdisho

Wararka ka imaanaya Degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho gaar ahaan Labaajada Mahad Alla ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta kooxo hubeysan ay ku dileen ilaa Saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ragaan hubeysan oo loo malaynayo in ay Shabaab ka tirsanaayeen ay agagaarka Labaajada Mahad Alla ay ku dileen Saddexdaasi qof, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in Ragga hubeysan ay markii hore toogteen Askariga, kadib waxa ay halkaasi ku dileen labada qof oo shacabka ahaa, waxaana ay Askariga ay ka qaateen Qori iyo Booshashkii uu watay.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo daqiiqado kadib gaaray ayaa goobta ka qaaday meydka Askariga la dilay iyo labada qof ee shacabka ahaa, waxayna Ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano lagu gobayo raggii dilka geystay.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaan maanta ka dhacay Yaaqshiid balse waxaa loo maleynayaa in ay katirsanyihiin Alshabaab.

Wixii ku soo kordha Halkaan, Kala soco.

Related posts

Dhagayso:- Maxamed Faarax Idaaja oo hadalo sugaan xambaarsan kajeediyeey Caleema sarkii Boqor Burhaan

admin

Ganacsato Somaliyeed oo  Dhac Loogu Geystay Magaalada Nairobi.

admin

Akhriso: Madaxweyne Farmaajo oo amar deg deg ah kusoo rogay hey’addaha dowlada iyo madaxdii waqtigooda dhamaaday

Tifaftiraha K24