Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: Wasaaradda Arimaha Gudah oo Amar Culus ka soo saartay Doorashada Koonfur Galbeed

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ayaa war culus ka soo saartay doorashada koonfur galbeed oo dabayaaqada bishaan la filaayo in ay qabsoonto.

Wasaaradda ayaa ka digtay in doorashada waqtigeda dib uga dhacdo iyo in muddo kororosi ay sameeyaan madaxda hada xilka heysa.

Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

 

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug uu ku dhawaajiyay Xili Galmudug ay u diyaar Garoobeyso…..

Tifaftiraha K24

Xaaf Oo Danbi Lagu Maxkamadaynayo Akhriso Warqadaan

admin

War Hada: Cabdi kariin Khaliif Dhalac oo kusoo Baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Galmudug kadib Tartan Aadag oo dhacay

Tifaftiraha K24