Arimaha Bulshada Breaking News Somali News Top News

DEG DEG; Wariye caan ah oo goordhow isku day dil ah ka badbaaday + Sababta

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta uu iskuday dil ka badbaaday mid ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magaaladaas.

Wariyaha ayaa waxaa lagu Magacaabaa Yaxye Cabdirisaaq Soofe,waxa uuna yahay tifaftiraha Idaacadda Markabley ee Magalada Baardheere sidoo kale waxa uu halkaasi uga soo hadlaa Tv-ga RTN ee Xaruntiisu tahay Magalada Nairobi.

Dad ku sugan Baardheere ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Wariye Yaxye Cabdirisaaq Soofe uu rasaas ku furay askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Lama cadeyn waxa keenay in wariyaha la rasaaseeyo iyo sababta uu askariga rasaasta ugu furay Yaxye Cabdirisaaq Soofe oo ah tifaftiraha Warbaahinta madaxabannaan ee radio Markabley.

Related posts

Toos u Dhageyso: Maxaadan ogeyn oo hada ka Socda Xarunta Golaha Shacabka oo Maanta dood Kulul ay ka jirto

admin

Shir looga hadlayo Maalgashiga & Ganacsiga Soomaaliya oo Turkiga ka furmayo

Tifaftiraha K24

Faqiirnimo: Somalia oo booska 41 aad ka gashay 50-ka dal ee aduunka ugu faqiirsan,Yaa koowad noqday?

admin