Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: Wareega Koowaad ee Codeynta Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo lasoo gaba gabeeyay

Waxaa la soo gabo gabeeyay codeynta wareegga koowaadee doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,  waxaana iminka la guda galayaa tirinta coddka.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore ayaa shaaca ka qaaday in uu soo gabo gaboobay wareegga koowaad ee doorashada, iminka ay bilaabayaan guddiga arrinta ku howlan tirinta codadka.

Guddiga doorashada ayaa iminka bilaabay tirinta codadka doorashada ee wareegga koowaad, waxaana tirinka kadib ay guddiga ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashada.

Guddiga ayaa waxa ay u yeereen afarta musharax ee ku tartamaya xilka guddoomiyaha baarlamaanka inay soo dirsadaan wakiilada u tirin lahaa codadka.

Natiijo Hordhac ah oo soo baxeysa ayaa waxa ay Miijineysa in ay aad isugu dhawyihiin Musharixiinta kala ah Jawaari iyo Xidig.

Isha ku haay Kismaayo24 si aad u hesho wararkii ugu Dambeeyay

Related posts

DEG-DEG- Kooxo hubeysan oo goor-dhaw Nabaddoon aad caan u ah ku toogtey magaalada Kismaayo

admin

Daawo: Tahriibayaal Haraad iyo gaajo ugu dhintay Saxaraha lama Dagaanka Dalka Niger

Tifaftiraha K24

War Murtiyeed Ay Soo saren Madasha Midnimada iyo Dimuqoraadiyadda

admin