Somali News

DEG DEG: Waa Kuma Musharaxa kusoo baxay Kursiga Labaad ee Aqalka Hoose Beelaha Banaadiriga oo Muqdisho ka socota+Sawirro

Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho waxaa Goordhaw ka bilaabatay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga ah.

Dhowr kursi ayaa Maanta loo tartamaya kuwaasi oo kamdi ah Kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga ah.

Kursiga Labaad ee Beelaha Banaadiriga ee Maanta loo tartamayay wuxuu ahaa Kursiga Beesha Bandhoow ee ka tirsan beelaha Banaadiriga waxaana kursigaan ku Loolamayay Haweyn oo kaliya Maadama Qoondada Haweynka ah la ilaalinaayo.

Ilaa seddex Haween ayaa Kursigaan Maanta ku Tartamay waxaana ay kala yihiin:

Fahmo Axmed Nuur oo kursigan difaacaneysa

Tuuma Cusmaan Nuur

Caasha Maxamed Xuseen.

Doorashada Marka ay Bilaabatay waxaa Tartanka isaga Haray wareega 1-aad Musharax Caasha maxamad Xuseen waxaana Doorashada Isugu soo haray Labada Musharax ee kala ah Fahmo Axmad Nuur iyo Tuuma Cusmaan Nuur.

Musharixiinta Kursiga isugu soo haray waxa ay Ahaayeen Ilmo adeer oo Laba Dhalatay ayaa kala dhashay Waxaana doorashada ay u Muuqata mid Hal dhinac un loogu shubay.

Natiijada Codeynta Labada Musharax ee Kursiga Beesha Bandhoow Waxa ay u dhacday Sidatan:

Fahmo Axmed Nuur oo heshay 51 cod waana Codadka Dhamaan Ergada Wax dooraneysa Waxaana halkaasi ka muuqda in Musharaxa kale ee Fahmo ka tartameysay in Wax cod ah aysan ka helin Ergada Beesha.

Xildhibaan Fahmo Axmad Nuur waxa ay Horay usoo Noqotay Wasiir kuxigeen iyo wasiiru dowle xukuumadihii u dambeeyay, waxayna kursigan Xildhibaannimo ee beesheeda ku fadhisay muddo 12-kii sano ee u dambeeyay.

Doorashada Weli wey socota kursiga Seddexaad ayaana Hada Codeynteeda ay Bilaabatay Waana Kursiga Beesha Shaanshi ee kamid ah Beelaha Banaadiriga ah.

Kursigaan waxaa ku tartamaya Jeylaani Nuur Iikar iyo C/casiis Cusmaan Maxamed, Musharaxa Seddexaad ee Kursiga Beesha Shaanshi u tartami lahaay Waxaa la sheegay in uu Tanasulay.

Jeylaani Nuur Iikar oo ahaay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka waqtigiisa dhamaada ayaa Hada waxa uu Wajahaya Tartan adag oo uu kaga hor imaanayo Musharax C/Casiis Cusmaan maxamed waxaana wararka ay sheegayan in Jeylaani ay ku adkaan doonto in Kursigaan uu kusoo baxo Maadama la sheegay in Horay uu khilaaf usoo kala dhexgalay Isaga iyo Ugaaska Beeshiisa waxaana Sidoo kale Jeylaani aad ula dagaalansan Xubnaha Beesha uu ka dhashay waxaana Jeylaani uu daremaya Cabsi xoogan oo kursigiisa ah.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Doorashada

banaadir2-768x432 banaadir3-768x432 banaadir4-768x432 banaadir5-768x432 banaadiri1-768x432 banaadiri4-768x432 banadir-768x432

Related posts

Dhagayso:- Ugaas Taakow oo ka hadlay Halka uu Marayo Shirka Cadaado ,Sido kalena dhaliilay qaabka wax u socdaan

admin

Dag dag wasiirka amniga Somaliya ayaa sheegay in goor dhaw lasoo bandhigi doono dadkii…

admin

Akhriso:- Maxaa ku soo kordhay doontii ku soo caarisay Xeebta Dekedda Boosaaso?

Ahmed sudani