Somali News

DEG DEG: SAWIRRO: Duulimaadyadii Jomo Kenyatta oo hakad galay iyo Xiisad ka taagan garoonka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa sheegaya in hakad uu ku yimid dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi kaasi oo ah garoonka ugu weyn Bariga Africa.

Garoonka diyaaradaha ee Kenya ayaa shaqada laga joojiyay abaaro 03:30 am kadib markii la joojiyay dhamaan duulimaadyadii kasoo dagi lahaa kana duuli lahaa garoonka diyaarada ee JKIA.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Nairobi ay joojiyeen shaqaalaha shaqadii ay ka hayeen garoonka, waxaana taasi ay dhalisay in gabi ahaanba joogsadaan dhaqdhaqaaqiii garoonka.

Shaqaalaha garoonka diyaaradaha ayaa ka cabanaya maamul xumo ay sheegeen inay garoonka ka jirta, qaabka shaqaaleynta iyo qorshe ay maamulka Garoonka kula wareegeyso shirkadda Kenya Airways.

Dad badan ayaa ku xayiran Garoonka oo ay Soomaali ku jirto, waxayna gebi ahaan socon wax shaqo ah, waxaana rakaab badan ay ka buuxsameen gudaha iyo bannaanka garoonka, iyadoo xaaladu ay cakiran tahay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ammaan Kala dul dhacay Maamulka K/Galbeed Kadib Markii ay…..

Tifaftiraha K24

War Cusub: Ku dhawaad 25 Dhaqaatiir oo Dadka Jirkooda ka ganacsan jiray oo Xabsiga la dhigay

Tifaftiraha K24

Maamulka Gobolka Banadir oo balanqaadey in loo dhameystiri doono.

admin