Breaking News Somali News

DEG DEG: Sargaal shabaab ka tirsan oo doonayay in uu dowladda isku soo dhiibo ayaa lagu dilay gobolka gedo+Magaciisa

Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayan in xoogaga alshabaab ay qudha ka jareen sargaal sare oo shabaabka ka tirsanaay kaasi oo doonayay in uu isku soo dhiibo dowladda federaalka.

Sargaalkaan ay shabaabka dileen ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/laahi Cali Shire (Baxar) waxaana uu kamid ahaay saraakiisha alshabaab ee gobolka gedo.

Maalmihii ugu dambeeyay ayuu sargaalkaan waday dhaqdhaqaaq uu ku doonaayay in uu shabaabka uga soo baxsado iskuna soo dhiibo maamulka gobolka gedo ee dowladda federaalka.

Sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu ahaay guddoomiyihii hore ee alshabaab ugu magacownaay dagmada baardheere ee gobolka gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhexmaray ciidan uu watay sargaalkaan la dilay iyo dagaalamayaasha alshabaab waxaana dagaalka uu socday mudo ku dhaw 30 daqiiqo aan ku heleyno ila wareedyo .

Dagaalka wuxuu ka dhacay deegaanka likoolay oo hoos yimaado Degmada Baardheere ee Gobalak Gado waxaana la ogeyn in sargaalka uu dagaalka ku dhintay iyo in shabaabka ay qabteen kadibna ay dileen.

Related posts

Shariif Xasan Oo Khatar Ku Jira AKHRISO

admin

Dhageyso:Madaxweyne Xassan Sheekh oo Diinta Islaamka si xun ugu gefaya, sheegeyna………..

admin

Dhageyso: Col, Warfaa oo ka hadlay kulanka ay Barre Hiiraale la yeesheen iyo shirka Beelaha SADE iyo KABLALAX ku dhexmaray Kismaayo.

admin