Breaking News Somali News

DEG DEG: Sargaal sare oo alshabaab muhiim u ahaay ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee gobolka gedo+Magaciisa

Wararka aynu ka heleyno gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayan in ciidamada dowladda uu isku soo dhiibay horjooge ka tirsan kooxda alshabaab.

Sargaalkaan iska dhiibay Gobolka Gedo ayaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Yuusuf Dheel,waxaana uu Maanta iska dhiibay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sargaalkaan isa soo dhiibay uu alshabaab ugu magacownaa mid kamid ah dagmooyinka gobolka gedo balse weli lama xaqiijin.

Tan iyo markii madaxweyne farmaajo xilka qabtay waxaa gacanta dowladda isku soo dhiibaayay saraakiil iyo dagaalamayaal alshabaab ka tirsan.

 

 

Related posts

Madaxwaynaha Jubbaland oo qado sharaf u sameeyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka “SAWIRRO”

admin

Alshabaab oo wadada u galay ciidamo ka tirsan dowaldda oo Muqdisho kusoo jeeday

admin

Akhriso: Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland oo lagu Magacaabay Wasiiru-dowlaha ….

Tifaftiraha K24