Breaking News English News Somali News Top News

DEG DEG:- Maxaa ka so baxay Shirkii caawa ay 140 ka Xildhibaan ku yeeshen Hotel SYL

Magaalada Muqdisho ee Caasimadaa Somalia oo maalmahan ay ka jirtay xiisad ka dhalatay Magacaabista Golaha Wasiirada Somalia ayaa waxa caawa ka dhacay kulan muhiim ah.

Kulankaan oo kabdhacay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka qayb galay 140 xildhibaan oo ku midoobay Kudlad lagu magacaabay Badbaado Qaran.

Xildhibaanadi ka soo qaybgalay kulankaas ayaa waxay wacad ku mareen in aysan ansixin doonin Xukuumadda u dhawaan so dhisay RW qayre.

Xildhibaan Cabdicasiis oo ka mid ah Xildhibaanadq Beesha Sade oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa umaada Somaliyeed ka raali galiyay qaladaadka sababay Niyad jabka badan ee uu ku kacay Madaxweyne Farmaajo mudadi kobnayd ee u xilka hayay.

Xildhibaanka ayaa waxa u shegay in aysan marna ansixin doonin Xukuumadda Tayo daran ee uu so dhisay RW Xasan Ali Khayre.

Ugu danbeyn Xildhibaanadii ka soo qayb galay kulankaasi ayaa waxay dhaman saxiiixen Warqad cadaynaysa in aysan ku qanacsanayn qaabka lo so dhisay Xukuumada Cusub.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho waxa hada ku sugan 210 Xildhibaan oo kaliyah waxana Xildhibaanadaasi 70 ka mid ah ay taagersan yihin in Xukuumada la meel mariyo halka 140 ay diidan yihiin in la meel mariyo Xukuumadda .

Related posts

Daawo: Shirka golaha wasiirada oo maanta lagu magacaabay Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka

Tifaftiraha K24

Akhriso:Tirada Dhaawacyada Laga Qaaday Magaalada Muqdisho

admin

XOG: Axmed Madoobe oo Addis ababa ku wajahan Xilli laga sugaayay Magaalada Kismaayo.

admin