Somali News Top News

DEG DEG: Madaxweynayaasha Turkiga iyo soomaliya oo Goordhaw Xariga ka jaray Safaaradda Cusub ee Turkiga uu ka dhistay Soomaliya

Madaxweynaha Soomaliya iyo Madaxweynaha Dalka Turkiga oo Goordhaw si Rasmi ah Xariga uga Jaray Xarunta safaaradda Cusub ee Turkiga uu ka dhistay Dalka Soomaliya.

Ka hor Inta aan Xariga laga jarin Safaaradda Turkiga Madaxweynaha Turkiga ayaa Salaadda Jimcadda kula tukatay Safaaradda Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada oo halkaa ku sugan iyo Waliba Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa Xariga ka jaray  Safaaradda Turkiga uu ka dhistay Magalada Muqdisho oo ah Safaaradda ugu Casrisan Safaaradaha ku yaalla Qaaradda Afrika.

Hada Waxaa kulan uu ka socdaa Xarunta Safaaradda Kulankaasi oo u dhaxeeya Madaxweynaha Turkiga iyo Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo Maalmahan Muqdisho ku sugnaay.

 

Related posts

admin

Dowlada Kenya oo Codsatay in dib loo dhigo dhageysiga Dacwada Bada ee Maxkamada ICJ

admin

DHAGEYSO: Ugaaska SADE iyo dhamaman ergooyinkii uu hoggaaminayey oo ka baxay shirkii Kismaayo (WAREYSI BBCSOMALI)

admin