Breaking News Somali News

DEG DEG: Madaafiic lagu garaacay madaxtooyada Villa soomalia iyo Xaafadaha ku dhaw maxaase ka dhashay oo qasaaro ah???

Wararka aynu ka heleyno magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw tiro madaafiic ah lagu garaacay madaxtooyada villa soomalia iyo xaafada ka ag dhaw madaxtooyada.

Madaafiic gaareysa ilaa 5 hoobiye ayaa laga maqlay agagaarka madaxtooyada waxaana la sheegay madaafiicda qaarkood in ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada.

Lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicdaan iyo halka ay sida rasmiga ah ugu dhaceen waxaana wadnaa raadinta faah faahin dheeri ah oo ku saabsan halka ay ku dhaceen iyo qasaaraha ka dhashay.

Madaxtooyada villa soomalia waxaa maanta ka dhaceysay xaflada xil wareejinta madaxweyne farmaajo waxaana tani ay ay muujineysa jawaabta ay shabaab ka bixiyeen sida ay u arkaan madaxweyne farmaajo.

Related posts

TOP NEWS: Maxaad kala Socotaa Heshiis Dhexmaray Dowladaha Masar iyo Soomaaliya iyo waxa uu Salka Ku haayo Heshiiskaasi

admin

War hada: Sidee Wadankaasi looga arkaa geerida Hogaamiye mudo badan mucaarad ahaay??

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Dadkii ku dhaawacmay weerarkii Ambassador oo ka sheekeynaya Sida ay u dhaawacmeen iyo waxa ay indhahooda ku arkeen

Tifaftiraha K24