Somali News Top News

DEG DEG: Kooxo Hubeysan oo Nin Ganacsade ah ku dilay dagmada Dharkenley

Wararka ka imaanaya Dagmada Dharkenkleey ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku waramayan in goordhaw halkaasi ay kooxo hubeysan ay ku dileen Nin ganacsad ahaa oo lagu Magacaabi Jiray Aadan Afgooye.

Ninka Ganacsada ah ee la dilay ayaa la sheegay in Kooxaha Dilka geystay ay goobtiisa ganacsi ay ugu galeen ka dibna ay rasaas ku fureen .

Kooxaha Dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana Mudo yar ka dib soo gaaray Ciidamada Dowlada oo Baaritaano ka sameeyay Goobaha u dhaw dukaanka Ninka lagu dilay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in Aadan Afgooye maalmo ka hor Masjidka Salaam ee Degmada Dharkiinleey uu ka istaagay, islamarkaana uu ka sheegay dilalka inay ku soo badanayaan xaafadda, Maamulkana looga baahan yahay inay ciidamo dheeri ah keenaan xaafadda.

Related posts

Daawo: Madaxweyne Farmaajo “Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo”

admin

Dhagayso Golaha Amanka Qaramada Midobay oo ka hadlay dib u dhaca ku yimid Doorashada Somalia

admin

Daawo: Sawirro dheeraad ah gaarigii isku qarxiyay ex control afgooye iyo faah faahin dheeraad ah

Tifaftiraha K24