Somali News

DEG DEG: Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Puntland oo xilka Iska Casilay

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Iyo Wershadaha Puntland Cabdirixmaan Jaamac Warsame ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey Rugta,waxaana lagu sheegay Iscasilaadiisa arrimo gaar ah.

Cabdirixmaan Jaamac Warsame ayaa sheegay in Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland aysan gaarin hadafkii loo aasaasay hase yeeshee ay ganacsatadu dadaal ugu jiraan sidii loo hirgelin lahaa hadafka markii hore loo aasaasay.

Waxa uu sheegay waxqabadkii ay ballan qaadeen aysan hal sano ku qaban karin balse ay wax badan qabteen mudadii uu joogay Xafiiska Rugta Ganacsiga Iyo Wershadaha Puntland.

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Iyi Wershadaha Puntland ayaa sheegay ineysan jirin khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo mas’uuliyiinta kale ay shaqo wadaagta yihiin balse arrimo u gaar ah isu casilay.

Bishii December 26, 2014 ayaa si rasmi ah xilkan loogu doortay Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland hada uu baneeyeyna ,waxaa sii-wadaya shaqada Guddoomiye kuxigeenkiisii Maxamed Caydiid.

Related posts

Baarlamaanka Puntland Oo Loo Gacan Geliyey Mooshin Cusub Oo Ka Dhan Ah Shirkada DP World

admin

Ku dhawaad 5 Ruux oo siyaabo kala duwan loogu Dilay Magaalada Muqdisho

admin

Top News: Farmaajo oo digniin u soo direy madaxda dalka,isagoona…………

admin