Diyaaradda Caalamiga ah ee Turkish Airlines ayaa maanta ku degi weyday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo rakaab badan oo sugayay inay maanta raacaan dib u dhac ku yimid.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha ay u degi weyday diyaarada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lugaha ay u bixi weyday.
Saddex jeer oo ay ku dul wareegatay garoonka ayaa u suura gelin inay lugaha la baxdo, si ay u caga dhigato Run-wayga ay diyaaradaha ka soo degaan.
Laakiin Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa ku andacooday sababaha ay maanta u degi waayeen hawada oo xumeyd.
Diyaarada Turkish Airlines ayaa la sheegay inay ka degatay magaalada Jabuuti, halkaasoo ay dhigtay rakaabkii ay u soo waday Muqdisho.
Hase ahaatee waxaa xaalad dib u dhac iyo jactad ku yimid rakaabkii ay ka qaadi laheyd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo sidii ay saakay garoonka u soo galeen, illaa duhurkii maanta ku sugan.
Diyaarada Turkish Airlines ayaa todobaadkii illaa afar jeer duulimaad toos ah ku timaada Muqdisho, waxaana ay tahay diyaarada kaliya ee caalami ee duulimaad toos ah ku timaada Soomaaliya.