Somali News Top News

DEG DEG: Diyaarad Imaaraat-ka leeyahay oo lagu xanibay garoonka diyaaraddaha magaalada Boosaaso kadib markii…

Diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraat-ka carabta oo ay saaranyihiin saraakiisha Imaaraat-ka ee tababaraayay ciidamada badda puntland ayaa goordhaw lagu xayiray garoonka diyaaraddaha magaalada boosaaso.

Ciidamada ammaanka garoonka diyaaraddaha ayaa u diiday in diyaaradda ay duusho kadib markii ay diideen in la baaro boorsooyin diyaaradda saarnaay.

Saraakiisha Imaaraat-ka carabta ee diyaaradda saaran ayaa si cad u diiday in la baaro boorsooyinka diyaaradda saaran taasi oo ka hor imaaneysa shuruucda garoomada diyaaraddaha maadama ay qasab tahay in baaritaan lagu sameeyo boorsooyinka diyaaraddaha saaran ka hor inta aysan garoonka ka duulin diyaaradda.

Diyaaradda ayaa weli ku xaniban garoonka diyaaraddaha magaalada boosaaso waxaana garoonka soo gaaray saraakiisha ammaanka puntland waxaana socda dedaalo lagu xalinaayo khilaafka soo kala dhex galay ciidamada ammaanka garoonka diyaaraddaha iyo saraakiisha Imaaraat-ka carabta.

Imaaraat-ka carabta ayaa doonaya in saraakiisha dhinaca tababarrada uu kala baxo deegaannada puntland waxaana uu bilaabay daad gureynta saraakiisha kaga sugan puntland.

Related posts

Guddoomiyihii Gobalka Sh/hoose C/qaadir Sidii oo Xilka Laga qaaday Maanta

Tifaftiraha K24

Daawo: Madaxweyne xaaf oo jabiyay iskoor u yaalay c/wali gaas markuu muqdisho la tagay ciidamo gaar ah oo….

Tifaftiraha K24

Top News:- Jubbaland iyo Puntland oo Qaatay Nidaamka 4.5

Tifaftiraha K24