Somali News

DEG DEG: Burcaddii afduubatay markabka shidaalka oo fariin deg deg ah soo diray iyo midowga yurub oo xaqiijiyay in…..

Koox hubeysan oo xeebaha Soomaaliya ka qafaashay markab sida shidaal Isniintii ayaa dalbaday madaxfurasho, sida uu shaaciyay hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda.

Maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa xiriir la sameeyay ragga hubeysan ee afduubtay markabaasi oo lagu magacaabo Aris 13 oo ay maamusha shirkad fadhigeeedu yahay Imaaraadka Carabta.

Burcad badeeda ayaa la sheegay inaysan faahfaahin ka bixinin inta ay dhantahay madaxfurashada ay dalbanayaan.

Waa afdiuubkii ugu horreeyay oo ka dhaca xeebaha Soomaaliya tan iyo sanaddii 2012-kii.

Markabkan oo ka soo shiraacday Jabuuti ayaa ku socday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho markii uu diray qayladhaan isagoo sheegay in doomo xawaare sare ku socdo ay ku soo socdaan. Wixii intaa ka dambeeyayna qalabka lagula socdo dhaqdhaqaaqa markabka ayaa la damiyay.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Sri Lanka ayaa xaqiijisay in 8 qof oo u dhashay dalkaasi ay saarnaayeen markabkaasi.

Dableyda markabka afduubtay ayaa masuuliyiinta deegaanka u sheegay inay yihiin kalluumaysato qalabakii ay kalluunka ku jillaabanyeen ay ka burburiyeen doomo waaweyn o si sharci darro ah uga jillaabta xeebaha Soomaaliya.

Related posts

SHEEKO XASAASI AH: Sirdoon isma Sheego ……….Yuusuf Garaad

Tifaftiraha K24

Qaramada Midoobay Maxay ka tiray doorashadii guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka

admin

Xildhibaan Cabdi Shire oo si weyn logu soo dhaweyay Cabudwaaq+ Sawiro

admin