Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: Axmad ducaalle geelle xaaf oo noqday madaxweynaha galmudug kadib markii uu helay codad gaaraya……

Waxaa goordhaw lasoo gaba gabeeyay doorashada madaxweynaha galmudug oo saakay cadaado  ka bilaabatay.

Doorashada waxaa ku tartmaya ilaa seddex musharax waxaana wareega labaad ee doorashada usoo baxay laba musharax oo kala ah axmad ducaalle geelle xaaf iyo musharax axmad shariif cali hilowle.

Wareega koowaad codadkii la tiriyay waxaa ay noqdeen axmad ducaale geelle xaaf oo helay 57 cod  halkaa axmad shariif uu helay 24 cod iyo musharax shirwac oo helay isna helay 7 cod sidaas darteed waxaa loo gudbay wareega labaad ee doorashadda.

Doorashada oo aheyd mid aad u adkeyd ayaa waxaa wareega labaad ku tartamay xaaf iyo hilowle waxaana ugu dambeyn doorashada ku guuleystay musharax axmad ducaalle geelle xaaf.

Natiijada codbixinta wareega labaad ee doorashada madaxweynaha galmudug waxa ay noqotay sidatan.

Musharax axmad ducaalle geelle xaaf wuxuu helay 54 cod .

Musharax axmad shariif hilowle cali wuxuu helay 34 cod.

Sidaas darteed doorashada waxaa ku guuleysta musharax axmad ducaalle geelle xaaf oo noqday madaxweynaha maamulka galmudug.

Isla goobta ay doorashada ka dhaceysay ayaa lagu dhaariyay madaxweyne xaaf wuxuuna balan qaaday in galmudug uu horay usii wadi doono isagoona sheegay in deegaanada galmudug xabad dambe aysan ka dhici doonin.

Geesta kale musharaxa laga adkaaday ee axmad shariif hilowle ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashada isgoona ku tilmaamay mid si dimoqraadi ah u dhacday.

Maamulka shabakadda kismaayo24 waxa ay hambalyo u direysa madaxweynaha cusub ee maamulka galmudug mudane axmad ducaalle geelle xaaf oo ah shaqsi samatabixin kara galmudug.

Related posts

Daawo: Farmaajo oo booqasho ugu tagay shiikh c/rashiid cali suufi iyo shiikha oo umadda soomaliyeed u duceeyay

Tifaftiraha K24

Dhageyso: Madaxweynaha Hirshabeele Muxuu ka Yiri Xubnaha Aqalka sare kusoo Baxay Kuwaasi oo Hirshabeele Matali doono

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Xiisad kulul oo u dhaxeysa galmudug iyo puntland oo laga soo sheegaayo galkacyo kadib markii……

Tifaftiraha K24