Somali News

Dalka Sacuudiga oo Xukun Daldalaad ku fuliyay 37 qof oo lagu eedeeyay

Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay maanta ah 37 nin oo lagu eedeeyay falal Argagixisanimo sida ay xaqiijisay wasaarada amniga ee dalkaas.

Qoraal Wasaaradu soo saartay ayaa lagu sheegay in xubnahan lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin ka qeyb noqoshada weeraro lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidanka Amniga boqortooyada oo dalkaas ka dhacay sanadihii la soo dhaafay.

Xubnaha la daldalay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay la shaqeynta wax boqortooyadu ku tilmaantay ururo iyo dalal cadow ku ah danaha Sacuudiga, ayna ku howlanaayeen sameynta ururo ka dagaalama gudaha dalkaas.

Fulinta xukunadan ayaa hal waqti ka wada dhacay magaalooyinka Riyaad, Makka, Madiina, gobolka Qaasim iyo gobolka bari oo ay ku xoogan yihiin shiicada laga tirada badan yahay ee ku nool Sacuudiga.

Ragga la daldalay laba ka mid ah ayaa dilkooda ay dowlada Sacuudigu ku soo bandhigtay meel fagaare ah waxaana loo adeegsaday Xarig, iyadoo inta kale lagu fuliyey xukunkooda xabsiyo ay ku jireen.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii magaalada yar ee Zulfa lagu dilay afar nin oo weerar hubeysan ku soo qaaday bar control oo ay booliska Sacuudigu leeyihiin, waxaana masuuliyada weeerarkaas sheegtay kooxda Daacish.

Related posts

War Cusub: Maxkamadda Sarre ee Ciidanka Qalabka sida oo Xukuno kala duwan ku riday Askar Dowlada ka tirsan oo dil u geystay ….

Tifaftiraha K24

Top News: Kadib markaad warkan akhriso ma isleedahay Madaxweyne Xassan jabkiisa waa qirtey???

admin

Deg-deg: Maxaadan Ogeyn Oo Hadda Ka Cusub Caabudwaaq???

admin