Somali News

Dalalka Soomaaliya Iyo Kenya Oo Heshiis Ku Gaaray Washington.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay dhiggiisa Kenya Ukur Yatani.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya iyo dhigiisa Kenya ayaa ka wada hadlay arrimaha  Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudbaya labada dal iyo arrimo kale.

Wasiir Beyle iyo Ukur Yatani oo kulmay inta uu socday Shir sanadeedka IMF iyo Bandhiga Aduunka,kaasi oo ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiisyay inay si Caadi ah u socdaan howlaha Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudba Soomaaliya iyo Kenya iyo in la xoojiyo xiriirka Ganacsi ee u dhexeeya labada dal.

 

Related posts

TOP NEWS: Ragii loo Heystay Qaraxyadii kampala oo Xukunno kala Duwan lagu Riday

Tifaftiraha K24

Maamulka Galmudug oo Maamul cusub u sameyay Dagmada Balanbal Akhriso

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Madaxweynaha Galmudug oo Fariin Culus u diray Maleeshiyadka Isbaarooyinka dhigta Deegaanada Galmudug

admin