Somali News

Dalalka Shiinaha iyo Mareykanka oo maaanta kala saxiixday.

Dalalka  Shiinaha iyo Mareykanka oo ah wadamada ugu ugu dhaqaalaha badan dunida ayaa lagu wadaa in maanta ay kala saxiixdaan heshiis ganacsi.

waxaa jirta boqollaal bilyan oo dollar oo canshuur kordhin ah oo labada dhinac ay isugu jawaabeen, haddana heshiiska maanta qeyb kama noqon doonto khafiifinta tacriifta labada dhinac ay dul-dhigeen badeecadaha ay isu dhoofiyaan.

Canshuur kordhinta ayaa sideeda sii ahaan doonto ilaa laga gaaro doorashada madaxtinimada Mareykanka ee uu bisha November madaxweyne Donald Trump kula tartami doono musharraxa kai man doona xisbiga dimoqraadiga.

Wajiga koowaad ee heshiiska labada waddan ayaa waxaa ugu weyn in Shiinaha uu muddo kooban iibsado miraha iyo wax soo saarka ka yimaada Mareykanka. Faah-faahinta kale ee heshiiska ayaa soo bixi doonta marka ay saraakiisha labada dhinac maanta ku saxiixaan Aqalka Cad ee magaaladan Washington.

Related posts

DEGDEG SAWIRO: Ciidamada Badbaadada ee Badda Dalka Shiinaha oo Helay labo kamid ah.

gurey

Sawirro: Saameyn intee la eg ayey magaalada muqdisho ku reebteen roobab xoogan oo xalay ilaa maanta ka da’ay?

Tifaftiraha K24

War Cusub: Rag Qarax Miino Dhulka ku Aasayay oo Iyaga ay la Kacday Xaafadda…..

Tifaftiraha K24