Somali News

Dagaal Khaaaro geestay oo  ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa xiligan dagaal uu ka socdaa xaafada Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, dagaalka ayaana u dhaxeeya ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya balse u abaabulan qaab beeleed.

Ciidamada dagaalamaya ayaa hubka nuucyadiisa kala duwan isku adeegsanaya, wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo dhul sharci daro ah ay labada dhinac isku hayaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda xaafada Tarabuunka, laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayana wali ku guuleesan in ay joojiyaan dagaalka socda.

Dhulka Tarabuunka oo ah mid ay dowlada leedahay ayaa marar badan waxaa ku dhashay maleeshiyaad dhul boob wada, waxaa sidoo kale Muqdisho qeybo kamid ah ka dhaca dagaal salka ku haya dhul la isku heesto.

Related posts

Magaalada Muqdisho oo lagu arkaayo Ciidamo Cusub iyo Howsha ay qaban doonan oo….

admin

TOP NEWS: Shir Xasaasi ah Oo Madaxtooyada Muqdisho uga Furmay Dowlad Dhexe iyo Madaxda Maamul goboledyada + Sawiro

admin

Mudo ka dib In kabadan 200 kun oo Falastiiniyiin ah oo si Xoog ah Salaada Jimcaha Shalay ugu tukaday Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsaa

Tifaftiraha K24