Somali News

DAAWO:Mahdi Guuleed oo si yaab leh u dhigay axsaanka ay dunida u fasho Somalia

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya heysta sanadihii ugu dambeeyay iyo in Soomaaliya ay leedahay saaxiibo dhow.

Mahdi Guuleed ayaa ugu horeyn sheegay in soddonkii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya inaysan laheyn wax saaxiib dhow ah oo ka hor istaaga in marxaladda lagu jiro lasoo gaaro, balse caalamka oo dhan ku fiirsanayeen marxaladihii lasoo maray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda ay Soomaaliya leedahay saaxiibo kooban, islamarkaana wali aysan yeelan saaxiib xabadka u dhigta ama ka hor taga in dhibaatooyinkaan laga baxo.

Ra’iisu wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in dalalka caalamka ee hadda taageerada u muujinaya Soomaaliya inay dantooda ka dhex arkeen Soomaaliya, sidaasina ay u caawinayaan.

Dan amaan iyo mid dhaqaalo ayuu sheegay dalalka caalamka inay ka leeyihiin Soomaaliya, taasi oo keentay inay taageero u fidiyaan Soomaaliya.

“Soddonkii Sano ee ay Soomaaliya burbursaneed Saaxiib laabta u tuma oo u gurmada waa lasoo waayay, Arinta Soomaaliyeed waxa ay ku sugan tahay Xabaal iyo Ninkeed loo kala tag, axsaan noguma aysan soo gurman ee dantooda ayaa ku jirta, Shartiina inay iska mooskaan ayay noogu soo gurmadeen”ayuu yiri Mr Guuleed.

Related posts

Top News: Wararkii ugu dambeeyay Diyaarado Shalay Duqeyn ka fuliyay G/GEDO..

admin

TOP NEWS: Maxaad kala Socotaa Weerar Qorsheysan oo Shabaab Xalay ku qaadeen Masuul ka tirsan Maamulka Dagmada Baardheere+Magaca Masuulka la weeraray iyo qasaaraha soo…

admin

Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka awgeed, ayaa ergeyga QM wuxuu fariin udiray dhalinyarada Soomaaliyeed

admin