Somali News

Daawo: Sawirro hordhac ah banaanbax lagu taageeraayo farmaajo oo muqdisho ka socda iyadoo…..

Garoonka kubadda cagta ee banaadir stadium ee magaalada muqdisho waxaa hada ka socda dibad bax balaadhan oo lagu taageeraayo 100-ka maalmood ee madaxweyne farmaajo uu xafiiska joogay.

Dibad baxaan waxaa ka qeyb galaya boqolaal ruux oo ka kala yimid dagmooyinka gobolka banaadir mas’uuliyiin xildhibaano iyo siyaasiyiin.

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa ka qeyb galaya dibad baxaan waxaana uu goordhaw gaaray halka uu dibad baxa ka socdo.

Banaanbaxaan ayaa waxaa lagu taageeraya 100-kii maalmood ee ay shaqeynaysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Madaxweyne farmaajo ayaa lagu wadaa in markii ugu horeysay goob fagaaro ah shacabka kala hadlo isagoona balan qaaday markii la doortay in shacabka uu meel fagaaro ah kala hadli doono.

Related posts

Dowladda oo ka sheegtey in Dagaaladda Beledxaawo ka socda ay sababi karaan in………..

admin

XOG: Madaxweynaha Jubbaland oo Magacabaya 3 Wasiiru Dowlo oo muhiim ah Akhriso Magacyada.

admin

Top News: Madaxweyne Xassan Sheekh (Khilaafkii Shirkii Gobaladda dhaxe waa la soo dhameeyey).

admin