Somali News

Daawo Sawirro: Diyaaraddaha Mareykanka oo dad shacab ah ku xasuuqay deegaanka Iimey oo ka tirsan….

Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa shacab Soomaliyeed ku laayay deegaanka iimeey oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaliya.

Duqeyntaas oo ka dhacday dhul baadiya ah oo hoos yimaad deegaanka Farsooley waxaa lala beegsaday isku imaatin xilligaas ay ku sugnaayeen dad shacab ah

Meydadka Shan Qof oo shacab ah ayaa lagu aasay Degaanka Iimeey oo hoostaga isla degaanka Farsooley ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo dhawaan ay duqeeyeen Diyaaradaha Ciidanka Mareykanka.

Sidoo kale weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah islamarkaana isugi jira Dumar,Carruur iyo Rag,kuwaas oo xilliga duqeynta ku sugnaa Goob isu imaatin uu ka jiray.

Mid ka mid ah Ugaasyafa Beelaha dega Shabeellaha hoose oo dadka la dilay ka soo jeedaan ayaa Magacyada Dadka dhintay ku kala sheegay:

Hoos ka akhri qaar katirsan Magacyada dadkii lagu dilay duqeynta

1.Macalin Cabdow Fiilow Muudeey 45 sana jir ah

2.Aamino Macalin Cabdow Fiilow 17 sana jir ah

3.Cusmaan xuseen cabdi (osman jiis )43 sana jir ah

4.Yuuqaney Cusmaan xuseen oo 5 sana jir ah

5.Maxamed cabdi caliyow garboole 38 sana jir ah

Waxaana halkaas ku dhaawacmay

1.safiyo Cusmaan xuseen oo 1sano iyo bar jir ah ayado aabahed iyo walaasheed ka weyn

2-Maxamed Nuur Xuseen Cabdi oo 23-jir ah asigana dhaawaciisa waxa uu yaalaa isbitaal madiino ee magaalada muqdisho .

 

Related posts

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta xilka la Wareegay

Ahmed sudani

Garoowe:-Madaxweyne Farmaajo Oo maanta Xarigga Ka jaraya Garoonka Cusub ee Garoowe

Ahmed sudani

DegDeg:- Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofaya Dalka Rwanda

Ahmed sudani