Breaking News Somali News

DAAWO SAWIRADII UGU DANBEYAY EE QARAXII IYO WEERARKII KA DHACAY TURKI

Dawladda Turkiga ayaa xirxirtay tiro dad ah oo ka soo jeeda qawmiyadda Uighur iyaga oo loo haysto weerarkii lagu qaaday baarka ee lagu dilay 39-ka ruux sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Waxaa la rumaysan yahay in kuwa la xiray ay ka yimaadeen gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha kuwaas xiriir la leh ninka weerarka gaystay sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Ra’iisalwasaare kuxigeenka Turkiga, Veysi Kaynak ayaa isna sheegay in ay qarka u saran yihiin soo afmeeridda hawsha ninka weerarka gaystay oo uu sheegay in ay macquul tahay in uu ka soo jeedo qawmiyadda Uighur.

Xildhibaanno lagu xiray Turkiga

Xildhibaanno lagu xiray Turkiga

Dhanka kalana Khamiistan qarax ayaa ka dhacay baadiyaha magaalada Izmir oo ku taaalla galbeedka dalka Turkiga.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay labo gaadhi oo gubanaya waxaana la sheegay in toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Sawirro kale ayaa muujiyay wax u muuqda in uu yahay nin mayd ah oo qori watay, warbaahintuna waxay sheegtay in ninkaasi uu ahaa midkii weerarka soo qaaday oo ay booliisku toogasho ku dileen.

Wakaaladda wararka ee Anadolu waxaysheegtay in nin labaaadna la dilay laguna raaad joogo midkale oo saddexaad.

Attack in Izmir, 5 JanPolice special forces patrol outisde the Reina nightclub which was attacked by a gunman, in Istanbul, Turkey, January 3, 2017. REUTERS/Osman Orsal

Related posts

TOP NEWS: Cidamada Itoobiya oo Bilaabay in ay ka Baxaan Gobolka Bakool iyo Dagmadii Ugu Horeysay oo Alshabaabka u gacan gashay markii Itoobiyaanka ay ka baxeen

Tifaftiraha K24

Daawo: Ra’isul wasaare kheyre oo madaxtooyada isugu yeeray dhamaan wakiilada beesha caalamka maxaase ka soo baxay?

Tifaftiraha K24

BREAKING: Aqalka Sare oo Iska diiday in uu ka qeyb galo Furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka

admin