Arimaha Bulshada Breaking News English News Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

Daawo RW kuxigeenka Somalia oo shir caalami ah uga qayb galaya Magaalada Geneva

Geneva:- Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Dr. Maxamed Cumar Carte iyo Wafdi la socdo oo ay ka mid yihiin La Taliyaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cabdi Yuusuf iyo Jacfar Abukar Mohamed oo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha oo socdaal howleed ku joogo dalka Switzerland ayaa Magaalada Geneva waxa kaga qeyb galay shirweyne loogu hadlayay sidii loo xoojin lahaa Yabooha ama Deeqaha la siiyo Dowladaha u baahan taageerada beesha Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto .

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka ayaa shirka ku soo bandhigay sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa isagoo beesha Caalamka u sheegay in laga taageero Soomaaliya sidii gacan loogu isla markaana gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkii ku waxyeeloobay daadadka ku dhuftay gobolka ka tirsan Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa magaalada Bern ee Caasimada Switzerland waxa uu maalintii shalay eheed kula kulmay Madaxda ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada ee Switzerland .

Kulanka dhexmaray ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Madaxda Wasaarada arimaha dibada ee Switzerland waxaa loogu hadlay arimo dhowr ah oo uu ugu muhiimsanaa xiriirka labada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa kaalmada la siiyo dowlada Soomaaliya.

Mr. Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa shalay waxa uu kulan gar ah oo looga hadlayo sidii Dowlada Soomaaliya looga gacansiin lahaa baahinta nidaamka Federaalka uu la yeeshay Madaxda 26-ka Gobol ama (Canton)-uu ka koobanyahay Switzerland, kaasi oo uu ka soo baxay natiijooyin wax wax weyn u tarayo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu Danbeyntii Ra’iusl Wasaare ku.xigeenka ayaa xalay waxa uu Magaalada Bern kulan kula yeeshay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Switzerland.

Kulankan ayaa ahaa mid casho sharaf ah oo ay Jaaliyadu u sameysay Wafdiga Ra’isul wasaare ku-xigeenka , waxaana ka soo qeyb galay qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta dowlada sida Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland Drs. Faaduma Cabdilaahi Insaaniye, Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka Soomaaliya Dr. Axmed Cali , La Taliyaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cabdi Yuusuf iyo Jacfar Abukar Mohamed oo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Si kastaba ha ahaate Wafdiga Ra’iusl wasaare ku- xigeenka Xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinta berito ee jimcaha ah ay ka ambabaxaan dalkan Swtzerland.

 
dff03abd75caf44c20aedd67c4e0a5478e188dd845e542b9db48b37d174f8457fb99591ca3ba729bc18784466ca8460ee1bbdf293587938b60491f19c854e3a6aac7b15f32909abeaa0e86a6b7a7dca1c95e31ed9fcb8509c13d0ecac82a06fbac869d1c5a5e3bcbf141ef668e63afd7af4dc28c3a88f4e7b42fccaa442ba7c5IMG_4102IMG_4099

IMG_3739IMG_3742IMG_3744IMG_3746IMG_3759IMG_3784IMG_3785IMG_3787IMG_3795IMG_3798IMG_3801IMG_3803IMG_3804IMG_3810IMG_3811IMG_3814IMG_3830IMG_3869IMG_3873IMG_3891IMG_3894IMG_4100IMG_4116IMG_4120IMG_4121IMG_3708IMG_3717IMG_3733

Related posts

Ciidamada Amisom Oo Dalka Qabanaya Shaqo muhiima ka hor Bixitaankooda

Ahmed sudani

DegDeg:- Kulankii Xildhibaanada Aqalka Sare oo Buuq iyo qeylo ku soo dhamaaday

Ahmed sudani

Update: Ugu Yaraan 50 Ruux oo ku geeriyootay Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Magaalada….

Tifaftiraha K24