Somali News Top News

Daawo: Qaabka Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdigiisa loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Khartuum

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan si ay uga qayb galaan shir ay yeelanayaan madaxda urur gobaleedka IGAD oo heshiis rasmi ah ay ku saxiixanayaan madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisii hore Riek Machar.

Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa garoonka diyaaradaha Khartuum kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Suudaan oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada Suudaan Bakri Xasan Saalax.

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaanaya saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar oo hogaamiya kooxda mucaaradka ah ee SPLM-IO oo isku hayay siyaasadda dalkaas ayaa ugu danbeyn oggolaaday heshiis ay hormuud ka tahay IGAD kaas oo lagu dhameynayay colaadda waqtiga dheer qaadatay ee dalkaasi ka jirtay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeelanaya madaxda urur gobaleedka IGAD ee shirka ka qayb gelaya.

Related posts

Daawo:- Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay is casilaadiisa iyo Xiliga uu Xilka Wareeejinayo

Ahmed sudani

Shirka Sanadlaha Afrika Iyo Ruushka Oo Maanta Furmaya.

admin

Daawo: C/wali gaas oo markuu gaalkacyo dib ugu laabtay ka hadlay qorshaha dowladda ay ku dooneyso in ay ku dhisto…..

Tifaftiraha K24