Somali News Top News

Daawo Muuqaal: Golaha Wasiirada Soomaliya oo u Damqaday Muwaadin ku Xanuunsanaya Magaalada Burco iyagoona u diray Lacag gaareysa….

Wariyaha lagu magacaabo Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ku Nool Magaalada Burco ayaa waxa uu baahiyay Muuqaal naxdin ah oo uu ka soo duubay Muwaadin soomaliyed oo ku Nool Magaalada Burco meel banaankeeda ah kaasi oo la xanuunsanaya Xanuunka dhimirka ah.

Muwaadinkaasi ayaa waxaa ka muuqatay dayacaad iyo darxumo waxaana uu habeen iyo maalin ku xirnaan jiray mudo sanado badan ah geed ku horyaalo guri uu daganyahay walalkiisa oo danyar ah waxaana uu halkaasi isaga cuni jiray Carada iyo qashinka maalintii qoraxda ayaa ku dhici jirtay Habeenkiina Qaboobka iyo dhaxanta ayaa ku dhici jirtay.

Iyadoo mudo uu sidaasi ku noolaa ayaa waxaa dhacday in Muwaadinkaasi dhimirka la’ in lugta ay ka jirato oo boogo ay uga soo baxdo taasi oo aqiiran sababtay in Lugiita la jaro oo gabi ahaanba xubnaha jirkiisa laga reebo lugta xanuunsaneysa .

Hadaba Xaalka marka uu sidaasi yahay waxaa u istaagay oo muuqaal argagax leh ka soo duubay wariyaha caanka ah ee Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo u ol oleeya Dadka Masaakiinta ah iyo kuwa danta yar isagoona u sameeyay Barnaamij lagu Magacaabo Kaalmey Kuwaan oo lagu gar gaaro dadka dhibanayaasha ah.

Muuqaalkii ugu horeysay marka uu soo dhigay Bartiisa Facebooka waxaa uu qiirad galiyay dhamaan bulshada soomaliyeed Masuulkii ugu horeeyay ee ka damqaday dhibta heysta muwaadinkaasi soomaliyed ee Mudo ku Xanuunsanaayay Magaalada burco ee Gobolka Togdheer waxaa gar gaar lacag oo de deg ah gaarsiiyay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaliya Cabdi Raxmaan Odowaa waxaana ayna lacagtaasi la ekeyd cadadkeeda Kun dollar sidoo kale waxaa malin ka dib lacag 6kun oo dollra gaarsiiyay muwadinkaasi masuulkii ugu horeeyay ee Maamulka soomaliland kaasi oo noqday Wasiirka Howlaha Guud iyo ee Soomaliland Cali Xasan Maxamad oo loo yaqaan Cali mareexaan waxaan si taasi la mid ah deeqo kala duwan muwaadinkaasi gaarsiiyay Ururo iyo shacab u istaagay kaalmeynta walaakasi dhimirka la xanuunsanaya.

Sidoo kale waxaa wax aad loogu farxo ah in Golaha Wasiirada Soomaliya ay Muwaadinkaasi soomaliyed ee ku Nool Deegaan soomaliland ka tirsan ee Burco ay gaarsiiyeen Lacag gaareysa 10 kun oo Dollarka Mareykanka ah waxaana shirkii khamiisti lasoo dhaafay hordhigay golaha wasiirada wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka Dowlada Soomaliya Mudane Odowaa waxaana Goluhu ay u istaagen in ay caawiyaan wallkaasi soomaliyed oo burco ku nool waxaana maanta oo sabti ah ay gaarsiiyeen lacag gaareysa 10kun oo dollar hadaba waxaa meesha ka maqan waa doorkii Maamulka soomaliland oo laga rabay in ay ugu horeyso gar gaarka la gaarsiinaayo muwaadinkaasi Burco ku Nool oo la Xanunsanaya Cudurka dhimirka mudo 10 sano ku dhaw.

Ugu Dambeyn waxan Bogaadinaya Wariyaha Qarniga ee Wadaniga dadkiisa iyo dalkiisa u damqada Wariye Cabdi maalik Muuse Coldoon waxaan ku bogaadinaya Howsha Wanagsna ee kheyrka leh ee uu haayo Bulshada soomaliyed meelkasto dalka ay ka joogan Cabdi Waxaan ku leenahay horay u soco Ilaaheyna hakaa Ajar siiyo Insha allah.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka

FB_IMG_1470492401131 FB_IMG_1470492404042 FB_IMG_1470493463277  FB_IMG_1470493470931 FB_IMG_1470493476738 FB_IMG_1470493479015 FB_IMG_1470493495739 FB_IMG_1470493504954 FB_IMG_1470493522317

Related posts

Wasiiro Xukuumada Ah Oo Sii Huriyay Xiisada Siyaasadeed Akhriso Magacyada.

admin

Daawo: Cudubto ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo Tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho

admin

Ciidamo Soomaali ah Oo Maanta ku Wajahan Xadduuda Degmada Belad-xaawo.

Sakariye Sakariye