Breaking News Somali News Top News

Daawo muqaal: Sii codkaaga Xildhibaan Dr. Abdi Shire Ciyaar Jecel

Xildhibaan Abdi Shire Ciyaar Jecel oo ah mudane ka tinsan Baarlamaanka Soomaliya ee hadda Jira ayaa u taagan mar labaad inoo ka mid noqdo Xildhibaanada Cusub ee la soo dooran doono, Dr. Abdi Shire ayaa ka qeyb qaatay badbaadinta dalka asigoo ku dhiiraday inuu af iyo idinba kula dagaalamo kuwa diidan Soomaliya ineey ka dhalato Dowlad awood u leh ineey dalka Hanato.

Waxaa jiro Heeso badan oo guubaabo ah uu sameeyay oo shacabka Soomaaliyeed aanan marnaba dhagahooda ka daalin  Heesahaa uu ka dhashay kacdoon shacab  dibna loo helay in Qarannimadii shalay burburtay, Dr Abdi Shire ayaa ku biiray Baarlamaanka hadda jiro asigoo  durba ka dhaqmuuqday kuna soo kordhiyay aqoon iyo waayo aragnimo buuxdo.

Mar aan wax ka weydiiyay  sanadka uu qurbaha yimid iyo sababt ku qasabtay inuu dalkii ku laabto  Dr. Abdi Shire ayuu waxuu iigu jawaabay sida tan

”  1988 ayaan waxbarsho u imid UK  , halkaas oo markii aan ka qaatay Masters MA uu dagaalkii sokeeye bilowday 1991. Wixii intaa ka dambeeyay waxaan ku nagaaday UK. Waxaan gacan ka geystay dajinta dadka qaxootiga Soomaaliyeed, aniga oo u doodi jiray sidii ay sharci ku heli lahaayeen. Waxaan turjubaan u ahaa maxkamadaha iyo garyaqaanada ka shaqeeya arrimaha qaxootiga, Haddaan su’aashada u soo laabto waxaa igu qasbay inaan dalkii ku laabto markaan arkay xaaladda guud ee dalkeyga iyo ineey qasab igu tahay inaan nafteyda u huro inaan ka qeyb qaato badbaadinta Dadkeyga iyo dalkeyga, Uk waxaan ku heystay nolol aad u sareyso waxaana doorbiday inaan ka mid noqdo dadka u istaagay ineey Soomaaliya cagaheeda ku istaagto”

Hadaba Dr. Abdi Shire oo booqday Gobalada dhexe ayaa shacabka halkaa ku nool ka codsadeen inuu ku soo laabto waana uu ka qabalay

Sayid Ali Aseyr
caseyr120@gmail.com
Den Haag, Netherlands

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalkan

Related posts

Akhriso: Qormo aad u xiiso badan” Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Somalia:- By Yusuf Garaad

Tifaftiraha K24

Dowlada oo Ciidamo horleh u daad guraysay Magaalada

admin

Kala Carar ka dhacay Isgoys caan ka ah Muqdisho iyo Khasaara ka dhashay Rasaas uu furay Askari

Mohamed Abdirashid Abaajo

2 comments

Comments are closed.