Somali News

DAAWO Maxamed BK oo Raali gelin Bixiyey

Fanaanka Maxamed Saciid BK ayaa dhawaan hadal caro badan dhaliyay siyaabo kala duwana looga falceliyay ka sheegay show uu ku qabanayay magaalada London ee caasimada dalka Ingriiska.

Fanaanka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho qaraxyada iyo dhibaatada aysan ka baxeyn ilaa ay ka aqoonsato in Soomaaliland tahay dal madax banaan, waxaana hadalkaasi uu abuuray naceyb iyo caro badan.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaana si weyn u dhaleeceeyay fanaanka ay ku tilmaameen mid dhiiga qubanayo ka jecel aqoonsi Somaliland, waxaana Warbaahinta Muqdisho qaarkood sheegeen in joojiyeen baahinta heesihiisa.

Fanaanka Maxamed Saciid oo Wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa raali galin ka bixiyay hadalkii uu sheegay in si xun loo fasiray, waxa uuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho.

Related posts

Xildhibaan Keenyaan Ah Oo Ku taliyey In Tallaabo Adag Laga Qaado Somalia.

admin

Dhagayso:- Khudbadi Madaxweyne C/weli Gaas ee Garoonka

Tifaftiraha K24

Xasaasi: Maxaadan Ogeyn oo hada laga soo sheegaya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo?? War ayaan idin kaga heynaa

Tifaftiraha K24