Somali News Top News

Daawo: Madaxweyne Guulled oo Cadaado ku Laabtay ayaa Baaq u diray Ugaas Xasan Ugaas Khlaiif Kadib Markii uu….

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug Maanta waxaa dib ugu soo Laabtay Wafdi uu Horkacaayo Madaxweynaha Galmudug Mudane C/Kariim Xuseen Guulled.

Madaxweyne Guulled oo ay Wehliyaan Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Galmudug ayaa Shalay Magaalada Jowhar u tagay ka qeyb galida Doorashada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa Maamulka Hirshabeele.

Guulled Markuu Dib ugu soo Laabtay Magaalada Cadaado ayuu Warbaahinta kula Hadlay isagoona Hambalyo u diray Maamulka Cusub ee Hirshabeele iyo masuuliyiinta loo doortay Hogaaminta Maamulkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Baaq u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif in uu Taageero maamulka Cusub ee Labada Gobol loo dhisay Kaasi oo si sharci ah lagu doortay Islamarkaana ay Cadaalad ku jirto.

“waxaan ogahay Ugaasn Xasan inuu yahay Ugaaska ugu facaweyna Ugaasyada Soomaaliyeed ahna nin aad u qiima badan, maantana looga bahaayahay inuu Taageero Maamulkaas lagana shaqeeyo Midnimada shacabaka labada Gobolka”ayuu yiri Guuleed.

Galmudug waa Maamulka Kaliya ee ka qeyb galay Doorashada Hirshabeele Iyadoona Galmudug ay taagero Balaaran u muujisay Dhismaha Maamulkaasi iyo Weliba Masuuliyiintii la doortay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada:

20161018_092107 20161018_092119 20161018_092127 20161018_092135 20161018_092153 20161018_094942 20161018_095137

Related posts

War Hada: Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka oo War Kaloo Cusub ka soo saartay Duqeyntii ka Dhacday Bariga Gobolka Mudug

Tifaftiraha K24

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

admin

SAWIRO: Madaxweyne Axmed Maddobe Iyo Golahiisa Wasiiradda Cusub Oo Kulankoodi Ugu Horeyey Yeeshey, Iyadoo……

Tifaftiraha K24