Somali News

DAAWO: Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kudhawaqay in lala dagaalo kuwa aan jirin (Alshabaab).

Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta Salaadii Jimcaha la tukaday shacabka degmada Waaciye ee gobalka Karkaar, ayaa ka hadlay qorshaha Xukuumadiisa ee kuwajahan Amniga iyo horumarka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay dawladdiisu xooga saarayso qorshaha koowaad, labaad iyo sadexaadna uu yahay Amniga dalka oo sare loo qaado, la dagaalanka Argagixisada, dibu dhiska ciidamada iyo tubta Ammaanka oo la xaqiijiyo.

Kooxaha Argagixisada ee Al- Shabaab ayuu ku eedeeyey in aysan dooneyn nabad iyo daganaanshaha oo ay ka soo horjeedaan horumarka Puntland iyo guud ahaan kan Soomaaliyeed, dawladdiisuna ay dagaal adag la galayso.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Roob la’aanta iyo xaaladdaha sii adkaanaya ay sabab u yihiin dilalka macno-daradda ah iyo danuubta lagalayo.

HALKAAN KA DAAWO:

Related posts

Dhageyso: Waxgaradka Gaalkacyo oo Aqbalay Ka Qeyb galka Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

admin

Daawo Sawirro: jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool dalka sudan oo wacdaro cajiib ah ka dhigay bandhig dhaqmeed dalkaasi lagu qabtay

Tifaftiraha K24

Qaxooti kor u dhaafaya 500 oo qof oo Maanta Boosaaso soo gaaray+ Sawiro

admin