Somali News

DAAWO: Gudoomiyaha Aqalka Sare Somaaliya oo dhaliilay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Golaha Shacabka ku eedeeyey inay horaatagn yihiin in xal buuxa laga gaaro khilaafka labada Aqal ee sababtay in Golaha Aqalka sare ay xiriirka u jaraan Golaha Shacabka.

Waxa uu sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi in uu dadaal badan ku bixiyey sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen labada Aqal,isla markaana uu warqad u diray Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka iyo kana hadda ee Maxamed Mursal, hayeeshee aan qoraaladiisa wax jawaab ah laga bixin.

Waxaa uu intaasi ku daray hadalkiisa in Aqalka Sare uu diyaar u yahay in waxwalba oo dhaawici kara wadashaqeyn wadahadal lagu xaliyo, balse uu Golaha Shacabka ka waayey in uu la qaato arrintaas.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa haatan ka dhaxeeya khilaaf, iyada oo Golaha Aqalka sare ay xiriirka wadashaqeyn ay u jareen Golaha Shacabka,waxaana xusid mudan in dhowr bil ka hor uu Madaxweyne Farmaajo sheegay in uu xalinaayo balse aysan suurtagelin.

Related posts

Dhagayso:- Xildhibaanada DFS oo Mucaaraday Hadal kasoo Baxay Wasiirka Gaashandhiga

admin

Daawo: Madaxweynaha hirshabeele oo si geesinimo leh u shaaciyay in dowlada itoobiya ay hub aad u badan siineyso qaar kamid ah….

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose oo Cadeeyay in dagaalka Marka ka socda ay ka…

admin