Somali News

DAAWO Gudiga doorashada Galmudug oo maanta Ahlu Sunna ka gudoomay 20 xildhibaan ay soo xuleen

Ahlusunna waljameeca ayaa maanta gudigga Farsamo ee maamul u sameynta Galmudug ku wareejisay magacyada 20 xildhibaan oo ku matali doona Barlamaanka Labaad ee Galmudug.

Tilaabaadan ayaa qeyb ka ahayd dhaqangalka heshiiskii xukuumada Soomaaliya iyo ahlsunna oo ahaa in Ahlusunna saamiyo lagasiiyo kuraasta barlamaanka cusub Galmudug.

Dhawaan ayay ahayd markii lasoo bandhigay liiska 20 xubnood oo ahlusunna u matelidoona barlamaanka Galmudug, hase yeeshee Lama oga in wax laga badalay liiskaas, kadib markii beelahooda cabasho weyn ka muujiyeen.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle
Ducaale Xaaf uu kasoo horjeestay qaabka loo dhisayo Galmudug, isagoo sheegay inuu lasoo laabanayo Galmudgtii uu madaxda ka ahaa.

 

 

Related posts

Faafaahino Ka soo Baxayo Qarax lala eegtay Ciidamada Kenya

Sakariye Sakariye

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo ka soo Baxay Kulan Xasaasi ah oo Maanta Galkacyo ku dhexmaray Saraakiil ka tirsan Galmudug iyo Puntland????+Sawirro

Tifaftiraha K24

Dhageyso: Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka oo Beeniyey Hadalo ka soo yeeray Raysalwasaaraha Somaliya.

gurey