Somali News

Daawo: Dad shacab ah oo ciidamada mareykanka ay ka xasuuqeen deegaanka bariire oo muqdisho la keenay

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in toban qof oo rayid ah ay ku dhinteen hawlgal milatari oo ka dhacay beer u dhow degmada Bariire.

Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dilka ay gaysteen ciidamo iskugu jira ajaanib iyo Soomaali.

Ciidamadan ayaa la sheegay in howl gal wadajir ah ay ka fuliyeen deegaan u dhow Bariire, halkaasoo ay ku dileen illaa sagaal ruux oo shacab ah.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca Amniga Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

“Ciidamadan saakay waxay ku howl gal ka sameynayeen dhul beeraley ah, dad rayid ah ayay dileen”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Meydadka dadkaan rayidka ah ayaa waxaa la keenay magaalada muqdisho iyadoona baaritaan lagu sameeynaayo.

Meydadkan ayaa saxaafada loogu soo bandhigay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jiray labo carruur ahaa, waxaana la soo bandhigay magacyadooda.

Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen Ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in saaka howl gal ay ku qaadeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariire, halkaasoo dadkan ay ku dileen, wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan ay ka soo jeedeen Hal qoys.

Waa dhacdadii labaad oo dad rayid ah ay ku xasuuqaan Ciidamo Mareykan ah oo howl gal ka fulinaya Koofurta Soomaaliya, waxaana todobaad ka hor ay aheyd markii illaa 7 ruux lagu dilay deegaan u dhow Jilib, halkaasoo diyaarado laga leeyahay Mareykanka ay duqeeyeen.

Related posts

Dhageyso: Musharixiin Badan oo laga yaabo in Waqtiga Diiwaan galinta ay ka dhamaato sida uu sheegay Xildhibaan….

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Farmaajo ”qof walba oo soomaali ah waa in uu qoriga qaato ”hadal dheer

admin

Daawo baardheere oo amnigeedi la sugay iyo shacabka magaaladaasi oo …

admin