Somali News

Daawo: C/wali Gaas oo Kulan Laqaatay xubnaha Golaha Deegaanka Gaalkacayo Muxuuse kala hadlay?

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kulan laqaatay xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo.

Kulanka uu Madaxwaynuhu Laqaatay Golaha Deegaanka degmada Gaalkacayo ayaa waxaa ku wehelinaayay mas”uuliyiin katirsan golayaasha Dawldda Puntland iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland, waxaana kulanka lagaga wada hadlay arimo ay kamid ahaayeen dardargelinta mashaaricaha horumarineed ee kawado magaalada Gaalkacayo iyo wanaajinta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya xildhibaannada golaha deegaanka .

Madaxwaynaha ayaa xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo waxaa uu ku booriyay in ay kawada shaqeeyaan sidii ay magaalada Gaalkacayo hor”umar balaadhan ugaar siin lahaaye si ay ula jaanqaado magaalooyinka dhigeeda ah.

Madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa uu ugu baaqay in dhammaan xildhibaanadu ay u istaagaan sidii ay waxbadan looga qaban lahaa horumarka, nabad gelyada, iyo bilicda magaalada Gaalkacayo.

Ugu danbayn Madaxwaynha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu kula dardaarmay guud ahaan shacab iyo Dawladd in laga wada qayb qaato horu”marka iyo nabad gelyada magaalada Gaalkacayo.

-DHAMMAAD-

Related posts

Top News: Xukumada Soomaaliya oo jawaab aad iyo aad u kulul siisey Somaliland.

admin

Baarlamaanka DFS Oo Akhrinta 1-aad Mariyay Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga.

Ahmed sudani

WARBIXIN: Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Soomaaliya…Talaabo Waqtigeeda Ka Soo Hormartay

Tifaftiraha K24