Breaking News Somali News Top News Xulashada K24

Daawo: Axmad Madoobe Gilgishay Xili ay socdeen…

Bananbax aad u balaaran ayaa maanta ka dhacay deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 30-KM u jira Magaalada Kismaayo.

Dibad baxa oo ay ka qeyb galeen boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa looga soo horjeeday Jubbaland iyo Hoggaamiyaha Gabalkiisa uu sii dhacaayo ee Axmad madoobe.

Dadweynaha Banaanbaxa dhigaayay ayaa ku qeylo dhaaminaayay Erayo ay uga soo horjeedaan Axmad Madoobe iyo maamulkiisa Fadhiidka ah ee Cuuryaamiyay Horumarradii ay Jubbaland gaari laheyd mudadii uu xilka haayay Madoobe.

Banaanbaxayaasha ayaa si xooggan u taageeray Dowladda Federaalka iy Madaxweyne Farmaajo waxaana ay madaxweynaha ka dalbadeen in Cadaaladda loo hiiliyo.

Qaar kamid ah waxgaradka deegaanka Goobweyn iyo Mas’uuliyiin ayaa banaanbaxa qeyb ka ahaa waxaana baaq cod dheer ah ay ku dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan uu isu casilo Axmad Madoobe.

Banaanbaxa ka dhacay Maanta ka dhacay Deegaanka Goobweyn ayaa noqonay mid kamid ah Dibad baxayaashii ugu waaweynaa ee kacdoonka dib u xoreynta jubbaland lagu taageeraayay iyo in is beddel dhab ah uu ka dhaco Jubbaland.

Sidoo kale Banaanbaxayo ayaa ka dhacay Deegaanka Buulo-gaduud iyo Dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka

Related posts

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo dalbadey in si dhaqsa ah Ciidamada Kenya Soomaaliya looga saaro

admin

 DegDeg:Duqii hore ee gobalka banaadir iyo Qaar kamid ah kuxigeenadiisii oo laga mamnuucay iney ka dhoofaan.

gurey

Dhagayso:-TOP NEWS Maxamuud Sayid Aadan" Gobalka Mudug inta Badan Puntland ayaa Maamusha Gobal iyo Barna Maamul Looma Dhisi Karo "

admin