Breaking News Somali News Top News Xulashada K24

Daawo: Ma dhab baa in Amiirka Alshabaab lagu daaweeyay Muqdisho?

Ilo sirdoon ayaa horay u shaaciyay in xanuun daran uu la il daranyahay hoggaamiyaha guud ee alshabaab Axmed Diiriye Abuu cubeyda tan iyo markii la magacaabayna uu wajahaayay xanuun daran.

Axmad diiriye amiirka alshabaab ayaa mar la sheegay in uu geeriyooday inkastoo warkaas markii dambe ay beeniyeen alshabaab.

Alshabaab horay ayey u beenisay in uu xanuunsanyahay hoggaamiyaha kooxda waxaana ay dafireen in xetta xanuun yar uu haayo iskaba dhaaf in uu la il daranyahay xanuun daran waxaana ay sheegeen in wararkaas oo been abuur ah ay faafintoodu ay qeyb ka tahay dowladda federaalka.

Warar aad isu soo taraya ayaa sheegaya in amiirka alshabaab mudadii uu xanuunasanaay lagu dabiibay Cisbitaalo ku yaala Magaallooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Gen Yuusuf Maxamed Siyaad indha cadde oo  kamid ah saraakisha Milatiriga Soomaaliya horeyna uga soo mid ahaa Hogaamiyaashii maxkamadaha islaamiga ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Hogaamiyaha Alshabaab Abuu Cubeyda xanuunkiisa loo geeyay dabiib isbitaalada magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa  oo uu kamid yahay isbitaalka Urdugan ex digfeer, waxaana uu intaa ku daray in awoodda Alshabaab iyo weerarrada ay geestaan aan la dhayalsan karin.

Waa mid layaab leh  balse ay dad badan sheegayaan in ay tahay wax dhici kara mar hadii Hogaamiyaha Al-shabaab aaney dadka badankii aqoonin waji ahaan waloow ay jiraan sawiro aanu si wanagsan wajigiisa u muuqan oo la sheego inuu isaga yahay.

Haddii tani ay dhab noqoto waxa ay filan waa ku noqon doontaa dowladda Federaalka ee dagaalka xooggan kula jirta alshabaab mar haddii hoggaamiyihii kooxdaasi xanuunkiisa lagu dabiibay cisbitaal muqdisho ku yaala oo dowladda turkiga ay gacanta ku heyso.

Usaama Bin laadin aas aasihii iyo hogaamiyihi u horeeyay ee Al-qaacidda ayaa halka lagu dilay waxay ahayd magaalada Abutabad ee dalka Bakitsan hoyga uu degandaa ayaana wax ka yar 5-km u jiray saldhig weyn oo miltariga Baksitaan ku leyihiin magaaladaasi.

Ma ahayan wax si sahlan loo rumeysanayay in hoggamaiyaha guud ee Al-qaacidda uu magaaladaasi weyn ee gudaha bakistan deganyahay una sii dheer in ay inyar u jirto saldhig weyn oo milatriga Bakistaan leeyihiin.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaal

Related posts

Dhagayso:- Suldaan Jaamac " Shirka Wadatashiga Beelaha Puntland waa soo dhaweynaya "

admin

Madaxda Dalka oo ku Heshiiyay in aan la Magacaabin Taliyaha nabad sugida, Ogow Sababta?

admin

Top News:- Qax bahsan oo ka socda Kismaayo ka dib imanshihi Ciidamada Itobiya ee Magaalada Kismaayo

admin