Somali News

Ciladdii ay la dhacday diyaaradda Ethiopian Airlines oo la shaaciyay.

Waxaa la shaaciyay qeyb ka mid ah warbixintii isbuucaan la sugayay ee ku aadanaa baaritaanka ciladda ay u dhacday diyaaraddii Ethiopian Airlines Boeings 737 Max8 ee bil ka hor ku dhacday dalka Itoobiya taas oo ay ku dhinteen dad lagu sheeay 157 ruux oo isugu jira rakaan iyo shaqaale.

Shilka diyaaraddan ayaa ku cilad noqotay middii sannadkii 2018 ku dhacday bannaanka caasimadda dalka Mareysia ee Jakarta taas oo ay laheyd shirkadda Lion Air islamarkaana ay ku wada dhinteen dhamaan rakaabka iyo shaqaalihii saarnaa.

Ciladda ayaa lagu sheegay mid ka timid sistam la daaray kaas oo jawiga u toosin lahaa diyaaradda, balse bilcaksi galiyay diyaaradda khalkhal, sababayna in ay dhulka afka aadiso.

Nooca diyaaraddan ayaa caalamka dhac laga mamnuucan kadib shilkii Itoobiya, waxaana islamarkiiba soo shaac´baxday in cilad dhanka diyaaradda ah ay jirto.

Warar iminka soo shaac baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in durba lagu bilaabay dacwad shirkadda sameysay diyaaradda taas oo ay gudbinayaan ehelada dadka ku dhintay diyaaradahan.

Dacwadda ayaa laga gudbiyay gudaha dalka Mareykanka.

Related posts

TOP NEWS: Amisom oo Qirtay in Madaafiic Culus Xalay lagu garaacay Xaruntooda Xalane iyo Qasaarda ka dhalatay oo …

admin

Sababaha Somalia uga baaqatay Ciyaaraha Bariga & bartamaha Afrika oo la shaaciyey

admin

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Halisteeda Leh oo Saakay laga soo sheegaya Dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo???

Tifaftiraha K24